Wararkii ugu Dambeeyay Khilaafka Ka taagan Qabashada Doorashada Wadar Oggol ah..

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa dhaqdhaqaaqii siyaasadeed ee uu bilaabay Madaxweynaha Puntland ee Muddo xileedkiisu muddada yar ka harsan yihiin, muddana ku jiray Xerada 54-aad ee Ciidamada ayaa wuxuuna hoygiisa ugu tagay Islanka Beesha Magaalada Garoowe, isagoo ka codsaday inuu ku taageero Dadaaladiisa xalinta Khilaafka Doorashada…

Ilo wareedyo ayaa sheegay in Deni iyo Islan Ciise ay isku fahmi waayeen Arrimihii laga wada hadlay, iyadoo (Deni) loogu baaqay inuu 8-da Jen-20024 sidii balantu aheyd qabto Doorasho wadar oggol ah, kadibna Mr.Dani ayaa Hoteelka Caduun ee magaalada Garoowe ugu tagay Odayaal Waqooyiga Mudug ka soo jeeda kana codsaday iney gacan ka siiyaan xalinta Khilaafka Doorashada, Mr.Dani ayaa la sheegay inuu Kuxigeenkiisa ka codsaday inuu dhex dhexaadyo Siyaasiyiinta Mucaaradka kaasoo aqbalay.

Wararka ayaa sheegaya in qaar ka mid ah Hogaanka Mucaaradka ay ku adkeysteen in Mr.Deni uu marka hore uu fuliyo Go’aankii Odayaasha Dhaqanka ka soo saareen magaalada Garoowe kaasoo ku taliyeen in xulashadii Xildhibaanada ee hore lagu laabto, iyadoo 2-3 maalmood ee soo socota lagu dhawaaqi doono Gudigii Khilaafaadka ee Xulista 66-Xildhibaan lagu dhawaaqo.

Ku darsoo, Mr.Dani ayaa xaqiijiyay inuu diyaar u yahay marka uu xaliyo Khilaafka Doorashada degaanada Puntland inuu la kulmo shuruuud la’aan Madaxweynaha Somalia.

287430cookie-checkWararkii ugu Dambeeyay Khilaafka Ka taagan Qabashada Doorashada Wadar Oggol ah..