Gaadiid Xamuul Ah Oo Ku Xayiran Duleedka Wanla-weyn

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeelada hoose ayaa waxay sheegayaan  in ku dhowaad 60-Gadiidka xamuulka ah ay ku xayiran yihiin duleedka Degmada,  kadib markii saraakiisha Canshuuraha ee Maamulka Konfur galbeed ay ku soo rogeeen lacago dheeraad ah….

Qaar kamid ah wadayaasha Gaadiidkaan ayaa waxay u sheegeen warbaahinta maxalliga ah ee Muqdisho in ciidamo ka tirsan kuwa daraawiishta ee maamulkaas ay ku soo rogeen iney bixiyaan lacago dheeraad ah.

Inta badan Gaadiidkaan xayirayan ayaa waxay badeecooyin kala duwan ka qaadeen magaalada Muqdisho, waxayna kusii jeedeen qaar kamid ah Gobollada dalka.

Waxaan isku day xiriirro ah aan la sameynay maamulka Koonfur galbeed si aan wax badan uga weydiinno wararkaan ku aaddan lacagahan ay ka cabanayaan gaadiidleyda Wanlaweyn ku xayiran, hase-ahaatee innooma suura-gelin inaan helno.

58640cookie-checkGaadiid Xamuul Ah Oo Ku Xayiran Duleedka Wanla-weyn