Boliiska Kenya Oo Baadi-goob ugu jira Muwaadin Somali/USA

Somalia news

Hey’addaha Amaanka Kenya ayaa la sheegay iney bilaabeen baaris la xiriirta Muwaadin heysta dhaladasha Mareykanka iyo Somalia, kaasoo la sheegay in 13-kii bishaan ugu war dambeysay, isla markaasna aan la ogeyn meel uu jaan iyo cirib dhigay…

Wararka ayaa sheegaya in Muwaadinkaan oo lagu magacaabo Bashiir Maxamed Maxamuud markii ugu dambeysay la arko isagoo ku sugnaa goob loo nasasho tago kuna taal Magaalada Nairobi laguna magacaabo Miale, muuqaal laga helay Cctv-da ee goob Gaadiidka la dhigto ayaa lagu arkay isagoo lacago siinaaya ilaaladiisa una galbiyeen gaarigiisa oo midabkiisu yahay madow.

Ehelada iyo Qaarabada Muwaadinkaan ayaa la sheegay in 14-kii bishaan Saldhigga Boliiska Muthangari ka diiwaangeliyeen iney ka welwel qabaan badqabka Bashiir, iyadoo la sheegay in Qeybta Baarista ay bilaabeen baadi goobka iyo rajada in la helo isagoo nool, waxaa gaarigiisa laga helay aaga Kibiku ee Magaalada Ngong ee Is-maamulka Kajiado, balse ayaan darro gaariga waa la gubay.

Qoyska iyo Qareenka ayaa tuhunsan in la afduubtay Bashiir isla markaasna la Dilay inkastoo Boliiska ay sheegeen ineysan weli xaqiijin karin dhacdadaasi balse ay wadaan baaris la xiriirta, Qareenka ayaa Safaarada Mareykanka Ka codsaday iney culeys ku saaran Dowladda Kenya iney fududeyso Baarista Kiiskaan.

Waa Kuma Bashiir Maxamed:-

Muwaadinkaan Soomaaliga ah da’diisu waa 36-sano jir bartay Injineernimo, kana shaqeeya dhismaha, wuxuuna ka mid ahaa Qandaraaslayaasha Mashruuc Dowladda Kenya ka fulineysay Magaalada Kisumu sanadkii tagay, wuxuuna ka shaqeynaayay dhismaha guryaha, Kireynta iyo naqsgadeynta, wuxuuna ka yimid Gobolka Ohio ee USA, wuxuuna ka soo jeeda Magaalada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo, warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya inuu saameyn ku lahaa Xiisadaha Gobolka Gedo.

119850cookie-checkBoliiska Kenya Oo Baadi-goob ugu jira Muwaadin Somali/USA