Kenya oo xaalad deg-deg ah kusoo rogtay deegaanada dhaca xuduudka 

Africa News

Wararka hordhaca ah ee naga soo gaaraya degaanada ku teedsan xuduuda Kenya & Ethiopia ayaa sheegay in Maamulka Uhuuru uu ku soo rogay xaalad amaan xoojin oo deg deg ah, kadib markii ay kordheen rabshado u dhaxeeya Qabaa’ilo halkaasi wada dega…

Wararka ayaa sheegay in Dowlada Kenya ay ku Sababeysay sidii loo xakameyn lahaa colaadaha isir nacaybka ah ee ku sii kordhaya Gobolka Marsibit, waxaana ciidamada ammaanka oo abaabulan lagu amray inay qabtaan hubka sharci darrada ah.

Maamulka Nairobi ayaa sheegtay in Kooxo hubeysan oo u abaabulan qaab beeleed ay degaankaasi ka dhigeen goob Colaadeed iyo xasilooni darro baahsan ay ka jirto, taasoo horseeday in dad badan barakaceen.

Xuduuda Kenya & Ethiopia ayaa waxaa kusii fiday dagaalada u dhaxeeya Jabhada Xoraynta Oromia OLA’ iyo Ciidamada Dawladda Ethiopia, iyadoo dagaaladaas ay geysteen khasaaro dhimasho & dhaawac ah.

186710cookie-checkKenya oo xaalad deg-deg ah kusoo rogtay deegaanada dhaca xuduudka