Gabar 20-sano Jir Ah Oo Lagu Dilay Magaalada Mogadishu

Somalia news

Wararka hordhaca ah ayaa laga helayaa gabar (Marxuumad) 20-sano jir ah oo lagu Dilay Magaalada Mogadishu, iyadoo meydkeeda la soo dhigay xaafada Galmudug ee Degmada Dharkeynley ee Gobolka Benadir, waxaana halkaasi gaaray Xoogaga Amaanka degmada..

Boliiska ayaa sheegay in Gabadha la Dilay lagu magacaabi jiray Caasha Maxamed Cabdicasiis, waxeyna deganeyd degaanka Garasbaley, iyadoo la Dilay meydkeedana la dhigay xaafadaasi, Saraakiisha Amaanka ayaa sheegay iney bilaabeen baarista Kiiskaan dilka ah, isla markaasna ay rajo ka qabaan iney soo qabtaan gacan ku dhiiglaha dilay marxuumada iyo kooxo kale oo ku gacan siiyay fulinta dilka.

124450cookie-checkGabar 20-sano Jir Ah Oo Lagu Dilay Magaalada Mogadishu