Amaanka Magaalada Mandheera Oo Laga Deyriyay

Africa News Somalia news

Maamulka Magaalada Mandheera ayaa soo saaray amaro lagu xadidaayo dhaqdhaqaaqa gadiidka Dowladda iyo kuwa Rayidka Ee Magaalada, kadib markii ay Digniino ay Hey’adda Amaanka ka bixisay dhacdooyin argagax Leh ay ku soo badanayaan gudaha iyo daafaha Magaalada…

Wararka laga helay Saraakiisha Amaanka ee magaalada ayaa sheegay ugu yaraan 4-weerar oo qorsheysan ayaa ka dhacay Magaalada 2-todobaad Ee u dambeeyay, iyadoo ay ku geeriyoodeen 6-Qof oo rayid iyo Boliis ah Waxaa ku dhaawacmay 15-kale, weerardaan ayaa la la xiriirinayaa Kooxda argagixisada Shababka Iyo kooxo hubeysan.

Xoghayaha Gobolka Mr.Cabdinuur Xuseen ayaa sheegay “in Qawaaniin adag ay soo saareen Maamulka”, wuxuuna intaasi raaciyay in xaalada amaan ay aad u kacsan tahay, wuxuuna ugu baaqay Dadka degaanka iney taxadar dheeraad ah muujiyaan oo la xiriira dhaqdhaqaaqa Gaadiidka Dowlada iyo kuwa Rayidka ahba.

124480cookie-checkAmaanka Magaalada Mandheera Oo Laga Deyriyay