Xisbiyada Mucaaradka Oo Baafinaaya Xildhibaano

Somalia news

Wararka hordhaca ah ee naga soo gaaraya Magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in Hogaanka Isbaheysiga ay dhisteen Xisbiyada Mucaaradka ah ee Somaliland ayaa baafinaya 4-Xildhibaan oo ka mid ah Mudanayaashii golaha Degaanka ee uga soo baxay Magaalooyinka Berbera iyo Gabiley….

Shir ay isugu yimaadeen Hogaanka Xisbiyada Mucaaradka ah iyo Xildhibaanada la doortay ee Goleyaasha deegaanada ayaa lagu shaaciyey halka ay ku dambeeyeen Afar Xildhibaan ee ka baxay gacanta Xisbiyada Mucaaridka ah.

Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe ayaa shaaciyey halka ay ku sugan yihiin Xubnahaan ka maqani iyo Magaalooyinka ay ka soo baxeen “Iminka afar Xildhibaan ayaanu waynay oo lagu sheegay Madaxtooyada, waana laba reer Gabiley ah iyo laba reer Berbera ah, afartaas Mudane waxaanu leenahay ka soo noqda meeshaasi”.

Isagoo intaasi raaciyay “Xildhibaanada waxaan leeyahay waar Madaxtooyada ka jooga, Xaruntaasi lagu yaacayo iska daaya oo kaalaya xarumaha xisbiyadiina.”

124400cookie-checkXisbiyada Mucaaradka Oo Baafinaaya Xildhibaano