Shakiga Dul-Hoganaaya Xubno Ka Tirsan Mucaaradka

Somalia news

Macluumaad iyo xogo la uruuriyay ayaa muujinaaya in tiro Xubno ka tirsan Xisbiyada Mucaaradka ayaa la sheegay iney si qarsoodi ah ula Shaqeeyaan Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo oo muddo xileedkiisu dhamaaday, talaabadaan oo dhabar jab ku ah Midowga Musharixiinta oo dadaal ugu jira sidii loo qaban lahaa Doorashada dadban oo xalaal ah…

Xubnahaan farta lagu goday ayaa qaarkood horey uga tirsanaa Maamulka Villa Somalia, ayaa xiliyadii ugu dambeeyay waxey soo saaraayeen fariimo iska soo horjeeda, halka qaarkood ka baaqsada kulamada la la yeesho Saraakiisha Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo, iyagoo cudur-daar ka keena ka qeyb galka Kulamada.

Xubnahaan la tuhmaayo ayaa waxaa ka mid ah Cabdikariim Xuseen Guuleed oo saaxiibo dhow la ah Adeege Fahad Yasin, Daahir Maxamuud Gelle Afhayeenka Midowga Musharixiinta oo Xubin muhiim ah ka ah Xarakada Ictisaam iyo xubno kale oo is-qarinaaya (Cell-sleep), kuwaasoo ka baaqsada kulamada Shirarka wada tashiyada, isla markaasna si joogto ah u gudbiya Warbixino maalinle ah Hogaanka NISA.

100000cookie-checkShakiga Dul-Hoganaaya Xubno Ka Tirsan Mucaaradka