Xoogag Hubeysan Oo Qabsaday Bar-Kontrol oo ku Taal Dhinac Pubtland ee Gobolka Mudug.

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya Xoogag hubeysan oo gadoodsan ay qabsadeen kastamka degaanka Xarfo oo ka tirsan Gobolka Mudug, waxeyna joojiyeen isku socodka Gaadiidka Xamuulka iyo kuwa yar yar ee wadada mara…

Wararka ayaa sheegay in Xoogagaan gadoodsan ayaa ka cabanaaya mushaar la’aan ayaa gebi ahaanba la wareegay kastamka Xarfo halkaas oo ay weli gacanta ku hayaan, waxeyna xanibeen dhaqdhaqaaqa isu socodka gaadiidka ee laamiga dheer sida laga soo xigtay dadka degaanka.

Saraakiisha hoggaaminaysa Xoogagaan gadoodsan ayaa dalbanaya in la siiyo mushaar iyo xuquuq kaga maqan Maamulka Dani ee Pubtland si ay u banneeyaan kastamka, falalkaan ayaa noqday kuwo soo noqnoqda, Maamulka Puntland lagu eedeeyay inuu ka gaabiyay xalinta xiisadahaan.

271670cookie-checkXoogag Hubeysan Oo Qabsaday Bar-Kontrol oo ku Taal Dhinac Pubtland ee Gobolka Mudug.