Maxaa ka Run ah in Khilaaf uu ka Dhashay Xil Wareejinta Wasiirada Maaliyada Puntland

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa khilaaf taagnaa 48-dii saac ee la soo dhaafay kaasoo ka dhashay xil wareejinta Wasiirka Maaliyada Puntland (Xasan Shire), xiisadaan ayaa la sheegay iney salka ku heyso dhaqaale badan oo deyn ahaan Wasiirku jeebkiisa uga bixiyay…

Wararka ayaa sheegay in Wasiirkii hore ee Maaliyada Puntland uu sheegtay iney ka maqan tahay Dhaqaale uu ku bixiyay dib-u-habeynta Ciidamada Puntland, intii uu ahaa Guddiga Dib-u-habeynta Ciidamada, Xasan Shire ayaa intaa ku daray dhaqaalahan uu ka bixiyay akoonadiisa gaarka ah.

Mas’uul katirsan Madaxtooyada Garoowe, ayaa sheegay in Saciid Deni uu tuhuno badan galiyay sheegashada Wasiirkiisii Maaliyadda ee habeeno ka hor xil ka qaadista uu ku sameeyay, balse wada-hadalo iyo dhex-dhexaadin kaddib la gaaray is-afgarad, iyadoo uu oggolaaday inuu bixiyo dhaqaalahaasi.

Maalmaha soo socda ayaa la filayaa inuu Xasan Abgaal, oo mar ahaa Wasiirka ugu awooda badnaa Maamulka Deni uu wareejiyo xilka, waxaana xafiiska Maaliyadda Puntland hoggaamin doona Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo loo tiriyo Wasiirka xiligaan u dhego nugul Deni.

215750cookie-checkMaxaa ka Run ah in Khilaaf uu ka Dhashay Xil Wareejinta Wasiirada Maaliyada Puntland
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com