Ma Dhabaa In Farmaajo Uu Dalbaday Muddo kordhin

Somalia news

Iyadoo aan weli xal laga gaarin xiisada siyaasadeed ee ka dhalatay hanaanka doorashooyinka dalka, isla markaasna Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo uu muudo xileedkiisu ay ka dhiman tahay 22-maalmood, ayaa waxaa soo baxaaya warar sheegaya in Mr.Farmaajo Uu Wakiilada Beesha Caalamka ka codsaday in muddo kordhin loo sameeyo Maamulkiisa…..

ilo xogogaal Ayaa Warsidaha Diinah.com u sheegeen Mr.Farmaajo ayaa qorsheynaya in uu shuruud ku xiro in heshiis laga gaaro Doorashada, shuruuddaas oo la sheegay in uu Maamulada Gobolada,Xisbiyada Mucaaradka iyo Wakiilada Beesha caalamka ka dalbaday in la siiyo hal sano oo muddo kororsi si loo soo afjaro isqabqabsiga Doorashada.

Wakiilka UN-ka Mr.James Swan, oo aan xiriir wada shaqeyn ka dhaxeynin Mr.Farmaajo ayaa isku dayaya inuu ku qanciyo Hoggaamada Xisbiyada Mucaaradka iyo Madaxda Puntland & Jubbaland iney ogolaadaan shuruudda Farmaajo, waxayna beesha caalamka ballan qaadeeysaa in Doorasho heshiis lagu yahay aay dalka ka dhacdo.

Hogaanka Mucaaradka ayaa dalabka Muddo kordhinta Ee Villa Somalia la sheegay in aanay aqbali doonin muddo kororsi hal maalin ah in loo sameeyo Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo.

Wararkii ugu dambeeyey ee aan helnay ayaa sheegaya in xalka muranka uu ka baxay gacanta Soomaalida, islamarkaana go’aan kama dambeys ah laga sugayo beesha caalamka iyo inay Soomaalida u yeeriso wixii ay sameyn lahaayeen, Go’aanka ayaa la Dilay as inuu soo baxo ka hor 1-da Febraayo, xiligaasi oo muddo xileedka Mr.Farmaajo ka harsanaan doonto hal todobaad.

87250cookie-checkMa Dhabaa In Farmaajo Uu Dalbaday Muddo kordhin