Ganacsade Eedeyn U Jeediyay Sirdoonada Reer Galbeedka & UN-ka

Somalia news

Dhowaan ayaa Qoraal digniino Amaan oo la sheegay iney soo saareen Xafiiska Qaramada Midoobay ee magaalada Muqdisho oo lagu sheegay in gaari nuuciisu yahay Surf sumadiisuna tahay AH 2737  uu 5-ta ilaa 8-da bishan Maarso isku qarxinayo xarumo Wasaaradeed iyo Hoteelo kuyaala Muqdisho, ayaa Ganacsadihii lahaa Gaariga Eedeyn u jeediyay Xafiisyada UN-ka Iyo Hey’addaha Sirdoonada Reer galbeedka….

Wararka ayaa sheegay in Gancasade Ciise Xaaji Cabdulle Faarax oo Warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in gaariga UN-ka sheegeen inuu milkiyada gaariga uu isagu leeyahay, wuxuuna been abuur ku tilmaamay in gaarigiisa qarax iyo waxyaabo lamid ah loo adeegsanayo.

Waxa uu sheegay Ganacsadaha in gaarigiisa markii labaad laga been abuurtay ayna sheegeen UN-ka inuu wado waxyaabaha qarxa, wuxuuna tilmaamay in UN-ka halis galiyeen noloshiisa iyo waliba ganacsigiisa, Ganacsadahan ayaa sheegay in gaarigiisa uu geeyay xarunta CID-da (Boliiska) halkaasna lagula sameeyay baaritaano kala duwan lana fasaxay, wuxuu cadeeyay in sidoo kale Wasaarada gaadiidka cadeesay in gaariga aan waxba laga bedelin uuna sax yahay matoorkiisa iyo sumadiisa.

’Waxaa nasiib daro ah in UN-ka soo qaataan qoraal uu nin Facebookiisa ku qoray sanadkii 2019-kii uu ku sheegayo in gaarigan isku qarxinayo Muqdisho, Xafiisyada UN-ka todobaadkaan i direen digniin ay ku sheegayaan in gaarigeyga oo sumadiisu tahay AH 2737 isku qarxinayo Muqdisho., UN-ka waa beenayaal aan warkooda la qaadan karin, waxeyna halis galiyeen nolosheeda iyo ganacsigeyga’’ ayuu yiri Ganacsade Ciise Xaaji Cabdulle.

100040cookie-checkGanacsade Eedeyn U Jeediyay Sirdoonada Reer Galbeedka & UN-ka