Warbixino Kooban Oo Dilkii Ka Dhacay Xerada Gen.Gordon ee Magaalada Mogadishu…

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ayaa daaha ka rogaaya in Askarigii fuliyay Weerarka khasaaraha geystay ee ka dhacay xalay Xerada Ciidamada Gen.Gordon oo ay Maamulaan Saraakiil ka tirsan Ciidamada UAE magaciisa lagu sheegay Cabdi (alias Xasan Maxamed) wuxuuna ku dhashay Busar Gedo ee Gobolka Gedo, iyadoo uu shaqada uu qoray Xildhibaan Cabdullahi Kulane (Jiis-Mareexaan)..

Waxaana shaqada loo qoray sanadkii 2021-kii, isagoo qeyb ka ahaa 150-Dhalinyaro ah oo horey uga tirsanaa Kooxda Argagixisada Shababka, Askarigaan ayaa adeegsaday Qoriga PKM, isagoo dilay 4-Sarkaal oo UAE ah iyo Mid u dhashay Bahrein, inkastoo warar kale ay sheegayaan inuu shaqada ka damiintay Xildhibaan Cabdulqaadir Cumar Macallin kana soo jeeda Degaanada Konfur galbeed, iyadoo xuuraanku ay sheegayaan in 300-Askari oo horey uga baxsaday Dowlada Federaalka haatan ay howlgaliyeen Maamulka Puntland loo dejiyay iney ka fuliyaan Magaalada Boosaaso qorshe kan la mid ah oo lagu ugaarsanaayo Ciidamada, Mas’uuliyiinta iyo Shaqaalaha UAE.

Ku darsoo War ay soo saartay Wasaarada Gaashandhigga UAE ayaa lagu xaqiijiyay in Sarkaal sare oo ka tirsanaa Ciidamada Difaaca Bahrein uu kamid noqday Saraakiishii lagu dilay Xerada dhexdeeda inkastoo aysan Dowladda Federaalka aysan sheegin, iyadoo Sarkaalkii ugu sareeyay Kooxda UAE oo lagu magacaabi jiray Maxamed Mubaarak lagu dilay weerarkaasi.

Xogo loo qaateen ah ayaa xaqiijinaaya in falkaan xalay ka dhacay Magaalada Mogdishu ay iska kaashadeen Kooxda N N iyo kooxda Argagixisada Shababka, iyadoo ujeedada ka dambeysa ay aheyd in Khalkhal la geliyo Booqashada Madaxweynaha Masar iyo in la hakiyo Mashruuca wax ka bedelka Dastuurka oo loo madlan yahay in berito la bilaabo, Maamulka Villa Somalia iyo Hey’adda NISA ayaa ku wada fashilmay iney xakameeyaan Qorshayaasha Kooxahaan u midoobay iney Dalka Carqaladeeyaan.

307360cookie-checkWarbixino Kooban Oo Dilkii Ka Dhacay Xerada Gen.Gordon ee Magaalada Mogadishu…