Ganacsatada Suuqa Bakaaraha Meherahoodii Xiray & Sababta ka Dambeysa..

Somalia news

Warar loo qaateen ah ayaa tilmaamaya muddo Dhowr maalmood ah ayaa Ganacastada iyo Gadisleyda Suuqa Bakaaraha ayaa cabsho ka qaba Hogaanka Villa Somalia & Maamulka Gobolka Benadir oo Shirkad u xil saartay iney Canshuurta u uruuriso…

Wararka ayaa sheegaya in Ganacstada ay ka  cabanayaan dhibaatooyin ay sheegeen iney ku qabaan lacag xad dhaaf ah oo laga qaado taasoo ay tilmaameen iney xamili waayeen sidaas darteeda ay u xireen goobahooda ganacsiga, iyadoo la arkaayo Ganacsato oo horfdhiya Meherahooda Ganacsiga kuwaasoo sheegay inaysan furi doonin ilaa wax laga qabto waxyaabaha  keenay  in cabasho ay dhigeen.

Waddooyinka Suuqa Bakaaraha ayay isugu soo baxeen maanta Ganacsatada suuqa oo ah kan ugu wayn Dalka, waxaana ku tiirsan Shacbiga Magaalada iyo degaanada Konfurta Dalka, iyadoo la sheegay in Shirkadda Qandaraaska lasiiyay ay ku amartay Ganacsatada iney bil walba bixiyaan Lacago baad ah oi 40-US$ ah kana baxsan Canshuurta Wasiirada Maaliyada iyo Tan Maamulka Gobolka Benadir.

306430cookie-checkGanacsatada Suuqa Bakaaraha Meherahoodii Xiray & Sababta ka Dambeysa..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com