Ganacsato Xoolaha Nool Oo Ay Shababka Afduubteen Oo Laga Deyrinaayo..

Somalia news

Warbixino hordhac ah oo la helay ayaa sheegaya in Horjoogayaasha Kooxda argagixisada Shababka ay afduubteen Xubno ka ganacsada xoolaha nool (Live Stock) kuna xireen tuulada Kurmaan oo ay Kooxdu Maamusho oo hoos taago Degmada Diinsoor ee gobolka Bay…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Ganacsatada la xiray oo garaya 3-qof ayaa lagu kala magacaabaa Axmed Cali Barre, Nurow Xasan iyo Madkirin Cali, waxaana lagu eedeyay in ay xoolo iyo alaab geeyn jireen degmada Diinsoor oo ay haystan Ciidamada Ethiopian-ka iyo Ciidamo ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed.

Wararka ayaa sheegay in Sedexdaan Ganacsatada ah waxa ugu dambeeyntii loo gudbiyay Xabisga weyn ay Kooxdu ku leedahay tuulada Yaaqbaraway oo 60 kilomitir u jirto degmada Diinsoor sida aan kaso xiganay ilo lagu kalsoonaan karo.

Ganacsade Axmed Cali Barre ayaa la sheegay inuu ku dhacay Xanuunka Coronavirus Oo naqaska uu ku dhegay, iyadoo la sheegay in loo wareejiyay guri ku yaal Tuulada Yaaqbariweyne, Gurigaan ayaa la sheegay inuu Istibaal yahay Oo ay wax ku daaweeyaan Dhakhaatiirtii Cuba Ee Shababka u afduuban.

148790cookie-checkGanacsato Xoolaha Nool Oo Ay Shababka Afduubteen Oo Laga Deyrinaayo..