Doorasho Macmal ah Oo La Boobay Oo Natiijadeeda Lagu Dhawaaqay

Somalia news

Doorasho uu ku shubtay Sida tii Kacaanka ayaa lagu qabtay Magaalada Mogadishu, iyadoo si deg deg ah loo Shaaciyay inuu Kursiga #Hope239 uu horey ugu fadhiyay Xildhibaan Hore (Xuseen Carab Ciise, lagu bedelay Mahdi Khadar Guuleed..

Guddiga Doorashada ayaa shaaciyay in Mahdi Guuleed uu ka helay 97 cod Ergada kursigaas dooranaysay oo ka kooban 101 xubnood waxaana la tartantay gabar (Malxiis niqaab xiran) lagu magacaabo Mushtaaq Ibraahim Yuusuf oo heshay saddex cod halka uu xumaaday hal cod, Mahdi ayaa horey u sheegay iney dib u soo dooran doonaan Farmaajo.

Mahdi Guuleed ayaa Xariga ka jaray Doorasho ku shubasho ka muuqata, iyagoo laga cabsi qabo in Doorashada dadban ay noqoto mid macmal ah Oo Liisas la sii diyaariyay lagu soo saaro, talaabadaan ayaa laga filayaa iney Dalka dib ugu celiso dagaal sokeeye.

148760cookie-checkDoorasho Macmal ah Oo La Boobay Oo Natiijadeeda Lagu Dhawaaqay