Ma Dhabaa In Wariye Laga Afduubtay Xadka u dhaxeeya Ethiopia & Somalia..

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in Xoogaga Amaanka Maamulka Somaliland ay ka afduubteen xadka Ethiopia Muwaadinad Wariye ah, kadibna u gudbiyeen magaalada Hargeysa halkaasoo la sheegaayo iney jirdil iyo xarig sharci darro ah loogu geystay…

Wararka ayaa sheegay in Wariyadaan lagu magacaabo Bushaaro Cali Maxamed oo ah Somali/British, waxeyna ka soo jeeda degaanka Hargeysa halkaasi ay dooneysay iney Wiil ay dhashay oo xanuunsan ka soo wado, ayaan darro waxaa laga afduubtay Xadka Degaanka Wajaale, waxaana lagu xiray Magaalada Hargeysa.

Waxaa wax laga xumaado ah in Dowladda UK ay ka aamustay falkii foosha xumaa ee ka dhacay magaalada Laascaanood, waxaana hadda wariye Soomaali ah oo British ah oo ka soo jeeda magaalada Hargeysa uu hadda xabsiga ku jiro jirdil loogu geysto kaliya inuu ka hadlay kaligii-taliye Muuse Biixi, iyadoo aanu ugu baaqeyno Maamulka inuu deg deg u soo daayo Wariyada.

257250cookie-checkMa Dhabaa In Wariye Laga Afduubtay Xadka u dhaxeeya Ethiopia & Somalia..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com