Garoonka Diyaaradaha Berbera Oo Ku a Degtay Diyaarad Kuwa Ciidamada Cirka USA

Somalia news

Sida laga soo xigtay ilo wareedyo loo qaateen ah Ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijiyay in Diyaarad Kuwa Ciidamada Cirka Mareykanka ay todobaadkaan ku degtay Garoonka diyaaradaha Ee Magaalada Berbera oo ay gacanta ku hayaan Ciidamada Dowladda UAE…

Xogtaan ayaa sheegtay in Diyaarad nooceedu yahay C-130-J-30 super Hercules qaadana Ciidamada iyo Xamuulka ayaa todobaadkaan ku degtay, iyadoo aan la shaacin sababaha, inkastoo uu uu xiriirka u dhaxeeya Maamulka Muuse Biixi iyo Safaarada USA Uu mudooyinkii ugu dambeeyay aad u xumaa, ayaa waxaa la sheegaya in Saraakiisha Ciidamada UAE Ee Garoonka maamula ay u fasaxeen diyaarada iney ku degto garoonka.

Xiliyadii ugu dambeeyay Saraakiisha Ciidamada iyo Sirdoonada Dowladaha USA, Israel iyo UAE ayaa waday iney iska kaashadaan sidii ay Howlgalo Sirdoon oo wadajir ah u qaadi lahaayeen Kooxaha Xuutiyiinta iyo kuwa Hubka ka Ganacsadaha, waxeyna Farsiimo ku leeyihiin Jasiirada Socorta oo ku dhow xeebaha Puntland.

135010cookie-checkGaroonka Diyaaradaha Berbera Oo Ku a Degtay Diyaarad Kuwa Ciidamada Cirka USA