Dagaalo Khasaare Geystay Oo Ka Dhacay Ethiopia

Somalia news

Dagaalo beeleedyo u dhaxeeya Soomaalida Ethiopia iyo Cafarta ayaa ka qarxay dhulka ay wada degaan laba Qowmiyadood, iyadoo isku dhacaani uu salka ku hayo muran soohdinta ah, ayaa sababay ugu yaraan dhimashada 27-qof oo labada dhinac ah…..

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Dadka loo dilay sababo la xiriira muranka xuduuda labada maamul Ee Cafarta iyo Soomaalida, waxaana in muddo ah Maleeshiyaad hubeysan uu dagaal fool ka fool ah ku dhex marayaan, iyadoo khasaaraha dagaal beeleedkaasi uu sii kordhaayo, iyadoo Ciidamada Dowladda Federaalka Ethiopia ay ka gaabiyeen iney xakameeyaan dhiiga daadanaya.

Muran Xoogan ayaa ka dhashay kadib markii Dowladda Ethiopia ay 3-degaan oo Soomaalidu laheyd lagu wareejiyay Dadka Cafarta, iyadoo go’aankaasi ay aad u saluugeen Maleeshiyaadka Soomaalida ayna doonayaan iney dib u hantaan, iyadoo falanqeeyayaasha ay tilmaameen in wareejintaasi aysan u dhicin qaab sharci ah.

69650cookie-checkDagaalo Khasaare Geystay Oo Ka Dhacay Ethiopia