Ma Dhabaa In Fahad Uu Kursi Senator U Tartamaayo

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegay in Agaasimaha Hey’adda NISA uu diyaarinaayo todobaadkaan sidii uu xilka u wareejin lahaa, kadib markii uu xaqiiqsaday dhaqaale buuran ku bixiyay xubin Senator ah inuu booskeeda buuxiyay si aan loo raacan Dembiyada u galay 4-tii sano Ee u dambeysay…

Xogtaan ayaa u xaqiijisay Warsidaha Diinah.com news in Adeege Fahad Yasin uu iibsaday Kursiga Senator Fartuun Cabdulqaadir Faarax oo ka soo jeeda Beesha 5-aad, waxaana laga soo doortay Dowlad goboleedka Hir-Shabelle, ila hadda lama yaqaano dhaqaalaha kaga baxay in Adeege Fahad Yasin Kursiga Senatornimada ee Qoondada Haweenka.

Fahad ayaa muddo 2-sano ah qorsheynaayay sidii uu xasaanad uga heli lahaa Dembiyada uu galay, isagoo isku dayay inuu la tartamo Xildhibaan Faarax Cabdulqaadir oo ku fadhiya Kursiga Beesha ay ka soo wada jeedaan, iyagoo Loolanka adag ay u galeen sidii kursigaasi inkastoo Fahad uu ku hungoobay sidii Uu Kursigaasi u hanto, wuxuuna u wareegay oo ka gatay Kursiga Senatorada Fartuun Cabdulqaadir Faarax Karaama.

134960cookie-checkMa Dhabaa In Fahad Uu Kursi Senator U Tartamaayo