Maxay Caruurta Somalida Ugu Geeriyoodaan Daawada ad dhaafka ah (Overdose)

Somalia news

Kulan looga hadlayay dhalinyarada isticmaasha daawada xad dhaafka ah (Overdose) ayaa lagu qabtay magaalada Columbus Ohio, waxaana soo abaabulay qaar kamid ah waalidiinta magaalada, kuwaasoo ka damqaday dhibaatada sii kordheysa ee Caruurta Soomaalida….

Wararka hordhaca ah Ayaa tilmaamaya in Bishii la soo dhaafay oo kaliya sadex dhalinyaro Somali ah ayaa u geeriyoodeen isticmaalka daawadaa xad fhaafka ah halka kuwo kale ay la ildaranyihiin ka soo ka soo kabashada dhibaatada ka soo gaartay (Overdose).

Inkastoo lagu jiro xili adag oo Dadka ka wal walsanyihiin cudurka caabuqa Ee Coronavirus, hadana Kulankaan waxaa qeyb ka ahaa waalidiin haween u badan iyo dhalinyaro, waxaa dhankooda ka qeyb qaadanayay xubno ka socday Hay’adaha caafiaadka Columbus Ohio.

Waxaa lagu soo bandhigay Sheekooyin xanuun baddan iyo Taariikho mugdi galiyay qoysas badan oo xubno qoysaskooda ka tirsanaa ay ku waayeen tiro caruur ah isticmaalka Overdose-ka.

Dhibaatada haysata qoysaska Soomaaliyeed ee qurbaha waxaa qeybta ugu daran hogaamiya is fahmi waaga dhaqanka ee waalidiinta iyo Ubadkooda, mahan wax sahlan in waalid Soomaaliyeed uu soo dhaweysto Wiilkiisa Ama Gabadhiisa oo isticmaashay Daroogo waana sababaha sii fogeeya Ilmaha.

69140cookie-checkMaxay Caruurta Somalida Ugu Geeriyoodaan Daawada ad dhaafka ah (Overdose)