Ma Dhabaa In Digniino Laga Soo Saaray Weerarada Qaraxyada Xambaarsan

Somalia news

Ilo wareedyo Amaan oo loo qaateen ah ayaa sheegay in Saraakiisha Sirdoonada reer Galbeedka Ee ku Xarunta Xalane 3-maalmood ka hor soo saareen Digniino la xiriira inuu jiro Weeraro Qorsheysan oo lagu bartilmaameedsanaayo goobo cayiman iyo Hoteelo….

Xogtaan ayaa u xaqiijisay in Mas’uuliyiinta Amaanka Dowladda Federaalka lagu wargeliyay in 72-saacadood gudahood weeraro lagu qaadi doono Hoteelo ku yaal Wadada Maka al-mukarama, Xarumaha Dowladda iyo boobo ku yaal degmooyinka Xamar weyne-Xamar Jajab iyo Waaberi.

Iyadoo sidoo laga laga digay in weeraro kale ay xigi doono, Wararka ayaa sheegay in ilaa 25-xubnood oo loo xulay iney qaadaan Weeraro ay muddo todobaad ah ku sugan yihiin Magaalada Mogadishu, kuwaasoo diyaar u ah iney fuliyaan Howlgalo inta lagu guda jiro is-jiidjiidka Siyaasadeed iyo Khilaafaadka Guddiyada Doorashada.

Hadaba Laamaha Amaanka Maxaa ka hortaagan iney heegan galaan kana hortagaan.!!?

91260cookie-checkMa Dhabaa In Digniino Laga Soo Saaray Weerarada Qaraxyada Xambaarsan