Hoteelada Jowhar Iyo Cabsida Ku Xeeran

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa dhibaato iyo cabsi gelin joogto ah oo ay la kulmayaan Ergada iyo Odayaasha kala duwaan Ee Beelaha ku sugan magaalada Jowhar, si ay uga qeyb qaataan Xulista Xildhibaanada loo dhisaayo Maamulka Hir-Shabele…

Ilo wareedkaan ayaa la qeybsaday Warsidaha Diinah.com in qaar ka mid ah Milkiilayaasha hoteellada magaalada culeys iyo cabsi gelin kala kulmeen Saraakiisha NISA, Maleshiyo Daacad u ah Madaxweyne Kuxigeenka iyo Dabley daacad u ah Kooxda Shababka, kuwaasoo ku adkeeyay in aan laga kireynin Hoteelada ergada iyo wafuuda kale ee Jowhar ku sugan.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in hoteelladaan dadka iska leh ay la soo xiriireen Wakiilko ka Socda NISA, Dabley Daacad u ah Madaxweyne kuxigeenka iyo koox ka tirsan Shababka, iyadoo loo sheegay in la beegsan doono dhismaha, sidoo kalane la beegsan doono milkiiliyaasha iyo shaqaalaha, hadddii ay dejiyaan ergada iyo wafuuda kale ku soo qul-qulaya magaalada Jowhar.

“Hoteellada qaar waa buuxaan, qaarkoodna waa faaruq halka qaar kalane si qarsoodi ah loo kireeyo, waxeyna sababtu tahay Caqabado is-biirsaday oo xambaarsan Hanjabaado iyo dilal lions jeediyay milkiiliyaasha Hoteelada” ayuu yiri mid ka mid ah siyaasiinta ku sugan Jowhar.

Magaalada Jowhar ee xarunta gobalka Shabeelada Dhexe waxaa ku sugan boqolaal qof oo isugu jira, ergooyin, odayaal, siyaasiin xildoon ah, kuwa ka socda dowladda dhexe iyo shaqsiyaad kale.

68520cookie-checkHoteelada Jowhar Iyo Cabsida Ku Xeeran