Golaha Amaanka ee AU-da oo la Filaayo iney Kulan ka Yeeshaan Cunaqabateynta Hubka ee Somalia

Somalia news

Warbixino laga helay ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa tilmaamaya in maalinta Khamiista ah ayaa lagu wadaa inuu ka dhici doona magaalada Muqdisho Shirkii ugu dambeeyay ee qorshaha qaadista Cunaqabataynta Hubka Somalia..

Kulankaan kadib, waxaa lagu wadaa in dhici doona kulanka Golaha amaanka oo la horgayn doono cunaqabataynta Hubka ee Somalia oo saarnaa ilaa sanadkii 1992-dii, Sida la saadaalinaayo waxaa Dowlada Federaalka loo ogolaan doona iney toos usoo iibsan karto Noocyada Hubka culus.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Taangiyada Maraakiibta iyo Diyaaradaha ineysan ku jiri doonin Hubka loo fasaxi doono dhawaan, waxaana la sheegay in Shuruudo la socdaan qaadista cunaqabataynta,ay ka mid yihiin.

-In sugo gacan ku heynta Hubka iyo goobaha la dhigaayo Koormeerna lagu saneyn doono

-In la Mideeyo Ciidamada Dowlada Federaalka iyo kuwa Maamulada heshiisna loo dhan yahay ay ka gaaraan.

251000cookie-checkGolaha Amaanka ee AU-da oo la Filaayo iney Kulan ka Yeeshaan Cunaqabateynta Hubka ee Somalia