Villa Somalia & Konfur Galbeed oo lagu Eedeeyay Yaboohsi Abaareed

Somalia news

Qeylo dhaan & cabasho ayaa ka soo yeereysa Aqoonyahanno iyo Waxgarad ka soo jeeda Degaanada Bay iyo Bakool, waxeyna ku eedeeyeen Villa Somalia iyo Maamulka Lafta gareen, iney si weyn uu buunbuuniyeen Xaalada Abaarta isla markaasna ay aad uga xumaadeen in Degaankooda loo isticmaalo yaboohsi Abaareed, Sawiro iyo Cooshado la sii diyaariyay..

Wararka ayaa sheegay in Shacibiga Degaanadaasi ay falcelin xoogan ka keeneen, Sawiro lagu baahiyay Wakaaladaha Wararka Aduunka loona isticmaalay gurmadka abaaraha, iyadoo safarka Saacadaha qaatay ee Xoghayaha guud ee tagistiisa Magaalada Beydhabo ay noqotay fursadaha looga faa’idaysanayo, waxaana la diyaariyay Dad iyo cooshado si Aduunka loogu yaboohsado lagana dhaadhiciyo iney taagan tahay xaalad Abaareed oo ba’an isla markaasna lagu faafiyo Warbaahinta Caalamka qeylo dhaan lagu raadinayo dhaqaale.

Iyadoo wararku ay sheegayaan in Qaramada Midoobey codsatay ay Aduunka ka codsatay in si deg deg ah taageero loo fidiyo Dadka ay abaartu wax yeeleysay taageero, Dhaqaalahaan ayaa lagu qiyaasay 2-Bilyan, iyadoo 600-Millions US$ loo qondeeyay in Adeeg loo isticmaali doono.

Waxaa xusid mudan in Labadii Bilood ee ugu dambeeyay magaalada Beydhabo uusan Roobku ka qaadin, isla markaana muuqaaladii Saxaafadu soo gudbisay ay Waji gabax ku noqdeen Abaartii iyo Macaluushii la sheegay.

251030cookie-checkVilla Somalia & Konfur Galbeed oo lagu Eedeeyay Yaboohsi Abaareed
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com