Russia Oo Liiska Madow ku Dartay Afhayeenka Shirkadda Meta Tech & Sababta..

World

Dowladda Russia ayaa u aqoonsatay Mr.Andy Stone oo ah Afhayeenka Shirkadda Meta Tech, oo leh Facebook, Instagram iyo WhatsApp, kaasoo la geliyey liiska madow ee dadka laga raadinayo Dalkaasi (Wanted list), sida laga soo xigtey xog-sidaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalkaasi..

Shirkadda Meta ayaa waxaa lagu asteeyey urur xag jir ah oo ka jira Dalka Russia wax yar uun kadib markii uu bilowday dagaalka Ukraine Febraayo 2022-kii, waxaana xayiraad lagu soo rogay Barnaamijyada Facebook iyo Instagram-ka, iyagoo lagu eedeeyay iney ogolaadeen faafinta hadallada nacaybka ah ee ka dhanka ah Muwaadiniinta Russia iyo iney qaybiyeen xogo loo arkay inay been abuur yihiin oo ku saabsan Ciidamada Dalkaasi.

Dhanka kale, WhatsApp iyada lama saarin xayiraad sababta oo ah waxaa lagu sifeeyay inay tahay agab isgaarsiineed oo lagu xiriiro oo keliya, Warbaahinta Russia ayaa xaqiijisay in Malafka Mr.Stone hadda laga heli karo kayd-xogeed Wasaarada, Hey’adaha Sirdoonka iyo Socdoolka, Galkiisa ayaa lagu qoray in Muwaadinkan Maraykanka ah loo heysto kiis dembiyeed, laakiin ma muujinayo faahfaahin dheeraad ah.

290050cookie-checkRussia Oo Liiska Madow ku Dartay Afhayeenka Shirkadda Meta Tech & Sababta..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com