Golaha Amaanka Oo Ka Doodaya Xaalada Dalka

Somalia news

Golaha Ammaanka ayaa maanta oo Talaado ah kuna beegan 9-ka Febaraayo 2021 fadhi ka yeelanaya Qalaalasadaha Siyaasadeed ee Somalia kadib markii Isniintii dhinacyada Mucaaradka ay sheegeen in muddo xileedka Madaxweyne Farmaajo idlaaday, isla markaana ay ugu yeerayaan Madaxweynihii hore ee Dalka….

Golaha Ammaanka ayaa fadhigaan oo albaabada u xiran yeelanaya ayaa ka go’aan gaaraya waxa laga yeelayoo Xaaladda Soomaaliya waxaana soo jeedintaan codsatay Boqortooyada Ingiriiska oo kamid ah 5-ta Dowladood ee Joogtada ah.

Waxyaabaha keenay kulankaan degdeg ah ayaa lagu sheegay in xubnaha Mucaaradka ay Madaxweyne Farmaajo ku tilmaameen in uusan sameyn hagis ama jiheyn siyaasadeed oo dhanka Doorashooyinka ah iyada oo muddo xileedkiisu dhammaaday.

Warbaahin kala duwan ayaa daabacday in fadhigaan lagu dejinayo qorshe siyaasadeed lagu caddeynayo jiheynta xaaladda Somalia si looga fogaado qalalaase & muranka daba dheeraaday oo kasii dheera meesha uu haatan joogo.muranka oo kasii dheera meesha uu haatan joogo.

93520cookie-checkGolaha Amaanka Oo Ka Doodaya Xaalada Dalka