Ajandaha Hor-tebinta Fadhiga Baarlamaanka Ee Berito & Xiisadaha Taagan oo Xal Loo Helin…

Somalia news

Gudoonka Baarlamaanka Federaalka ayaa qoraal uu soo saaray ku wargeliyay Xildhibaanada Baarlamaanka iney mar kale ugu baaqeen iney Kulan isugu yimaadaan maalinta Berito saacadu marki tahay 9-ka Subaxnimo, iyadoo laga codsaday iney wakhtiga ilaaliyaan…

Ilahaan ayaa sheegay in Gudoonka uu dib u soo celiyay 3-dii Qodob oo fadhigii hore socon waayay kana dhashay buuq iyo gacan ka hadal, kuwaasoo kala ah:-

-Fadhiga wadajirka ah ee Labada Aqal oo ay diideen.
-Akhrinta Miisaaniyada 2024-ka oo in dib loo dhigo rabaan
-Xisaabxirka Maaliyadda ee 2022-kii, oo ay doonayaan in aqal kasta gaarkiisa uga doodo.

Xogta ayaa tilmaamtay in Tiro badan oo Xildhibaano ah oo horey shuruud ugu xiray in Mushaaraadka loo kordhiyay lana gaaraiiyo ilaa 6-7000-US$ heshiis hoose laga gaaray inkastoo aan la ogeyn waxa lagu heshiiyay balse xalay Lacago loo qeybiyay Xildhibaanada qaarkood si loo meel mariyo Labadaan Ajande, waxaana ku xigi doona Ajandaha wax ka bedelka Dastuurka oo lagu wado inuu qabsoomo Todoboadka soo socda.

291260cookie-checkAjandaha Hor-tebinta Fadhiga Baarlamaanka Ee Berito & Xiisadaha Taagan oo Xal Loo Helin…