Mogadishu:- Nabadoon Lagu Dilay Caasimada & Boliiska Oo Toogtay Nin Hubeysan

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Dilal ka dhacay Shalay & Xalay magaalada Mogadishu, iyadoo Dilka hore lagu fuliyay Marxuum Nabadoon ahaa dilkaasoo ay fuliyeen Dabley ka tirsan maleeshiyaadka kooxda argagixisada Shababka kuwaasoo dilka kadib baxsaday…

Wararka hordhaca ah ayaa sheegay in Marxuumka la dilay lagu magacaabi jiray Xuseen Xaayoow Xalane kana soo jeeda Nabadoonada iyo Waxgaradka Gobolka Hiiraan, dilkaan ayaa la la xiriiriyay dagaalada ka socda qeybo ka mid ah Gobolka Hiiraan.

Dhanka kale, Ciidamada Boliiska Qeybta Galbeedka Gobolka Benadir ayaa toogasho ju dilay nin ku hubeysnaa Bastoolad oo sida la sheegay ku howlanaa isku day dil inuu ku fuliyo Askar iyo Qof Shacab ah, Wararka ayaa sheegay in Boliis kormeet ilaalo ku jiray degaanka Weydow ay toogteen Ninkaan Bastooladiisana kor saareen.

213370cookie-checkMogadishu:- Nabadoon Lagu Dilay Caasimada & Boliiska Oo Toogtay Nin Hubeysan