Howlgalo Ay Xoogaga Amaanka Ka Fuliyeen Qeybo ka mid ah Magaalada Mogadishu

Somalia news

Howlgal ay xalay fuliyeen Xoogaga Amaanka xalay qeybo ka mid ah magaalada Mogadishu, kuwaasoo lagu xaqiijinaayo Amniga guud ee Caasimada si looga hortago falalka amni darrada sida ay sheegeen Saraakiil amaan oo magacooda ka gaabsaday..

Howlgalkaan ayaa waxaa laga fuliyay Degmooyinka Yaaqshiid, Kaaraan iyo Heliwaa, iyadoo ay ka qeyb galeen Gudoomiyayaasha Degmooyinkaasi, waxaana Howlgalkaasi lagu beegsaday xaafado cayiman oo inta badan Dadka Rayidka ah dhac loogu geysto lagana qaato Mobile-da.

Saraakiisha Amaanka ayaa xaqiijiyay in Howlgalkaasi lagu soo qabtay Rasaas iyo Tiro Maandooriye ah (Xashiishada), iyadoo ay Ciidamadu burburiyeen Tabakaayo lagu iibinaayay Maandooriyaha, waxeyna Saraakiisha sheegeen iney sii wadi doonaan Howlgalada.

Mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa aad u soo kordhaayay qeylo dhaanta Shacbiga Magaalada kuwaasoo ka cabanaaya amni darro baahsan, iyadoo ay qeyb ka yihiin Kooxo abaabulan iyo argagixisada, iyadoo 2-habeen ka hor Ciidamo Gadiidka dagaalka ku hubeysan ay Maqaayad ku taal xaafada labadhagax qaflad ku qabteen isla markaasna Mobile-da ka uruursadeen.

197740cookie-checkHowlgalo Ay Xoogaga Amaanka Ka Fuliyeen Qeybo ka mid ah Magaalada Mogadishu