Guddiga Doorashada Heer Federaal Oo Laalay Kuraas

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Kuraas boob ah oo laga sameeyay Degaan Doorashada Konfur galbeed (Hop#103 iyo Hop#154 ayaa la laalay waxaana lagu wadaa in dib loogu noqdo Sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo loo qaateen ah..

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u sheegay in Kuraasta kor ku xusan gebi ahaan natiijada la laalay, waxaana lagu wadaa in dib loogu noqdo, Iyadoo Guddiyada Doorashada dadban ee heer Federaal ayaa dhowaan soo saaro doona go’aanka lagu joojiyay kuraasta Boobka iyo Muranka dhaliyay.

Dhinaca kale Guddiga Khilaafaadka ayaa muddo kordhin 10-maalmood ah ku kordhiyay baarista kurasiga Hop#067 oo Maamulka Qorqor u boobay Eedeysanaha loo heysto Dacwada Kiiska Sarkaalada NISA (Yasin Faray), Iyadoo uu dawcad ka gudbiyay Nabadoonka Beesha Mr.Cali Jeesto iyo Musharax kale, waxaana lagu wadaa in go’aan laga gaaro Kursigaan.

154480cookie-checkGuddiga Doorashada Heer Federaal Oo Laalay Kuraas