Mareykanka Oo Hanjabaad 2-aad Hawada u Soo Mariyay Madaxda Soomaalida

Somalia news

Muddo 24-saacadood gudahood ayaa Mas’uuliyiinta Mareykanka waxey u soo direen Fariin 2-aad Oo xambaarsan hanjabaado ah iney beegsanayaan Qaswadayaasha Madaxda Soomaalida (Spoilers), hadii Doorashada dib u dhac kale ku keenaan…

Maamulka Washington ayaa sheegay in 25-February wixii ka dambeeya ay qaadi doonaan hadii dib u dhac bareer ah ama isbaaro loo dhigto Doorashada dadban ee loo asteeyay in lagu soo xulo Xildhibaanada Golaha Shacbiga, iyadoo Doorashada ay dib uga dhacday muddo sanad ah.

Mareykanka ayaa dhowr jeer Oo hore hanjabaado hawada u soo mariyay Kooxaha Siyaasada Somalia, inkastoo uusan weli qaadin ficil intii uu soo bilaawday fowdada iyo Khilaafka Doorashada, iyadoo farta lagu goday Madaxweynaha wakhtiga ka dhamaaday (Farmaajo) inuu si bareer ah isbaaro ugu dhigtay nidaamka Doorashada dadban.

161970cookie-checkMareykanka Oo Hanjabaad 2-aad Hawada u Soo Mariyay Madaxda Soomaalida