Guddiga Horumarinta Guryaha ee Isli oo Cabasho u Gudbiyay Madaxda Hey’adda NCA..

Africa News Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Nairobi ayaa sheegaya in xubno ka tirsan Ganacsatada maalgeliya Horumarinta guryaha ee Kamukunji Constituency oo jimcihii kulan la yeeshay Mas’uuliyiinta Wakaalada Dhismaha, iyadoo ay jirto walaac laga qabo badbaadada goobaha dhismayaasha iyo dhibaataynta Ganacsatada horumariya ee Xaafadaha Eastleigh iyo California oo ay Soomaalidu ku badan tahay…

Kooxdan oo ay hogaaminayaan Xildhibaanka Degaanka Yuusuf Xasan iyo Gudoomiyaha shirkada Horumarinta guryaha ee magaalada Nairobi Cabdiraxmaan Shibli ayaa ka dalbaday hay’ada dhismaha qaranka ee NCA inay xakamayso dhibaatada iyo cagajuglaynta ay kula kacayaan Ganacsatada iyo shaqaalaha dhismaha guryaha.

Waxaan u baahanahay inaan helno hab sax ah  oo loogu maareeyo arrimaha ka yimaada goobaha dhismayaasha sababtoo ah inta badan, kormeerka degdega ah iyo xiritaanka xiga maaha kuwo ku saabsan hawlgallada amniga ee waa ugaasi u gaar ah Soomaalida,” Shibli ayaa yiri.

274070cookie-checkGuddiga Horumarinta Guryaha ee Isli oo Cabasho u Gudbiyay Madaxda Hey’adda NCA..