Guddiga Khilaafaadka Oo Hakiyay Kursiga HOP#067

Somalia news

Guddiga xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka dadban ee heer federaal ayaa maanta shaaciyey in la hakiyey ku dhowaaqista natiijada rasmiga ah ee kursiga tirsigiisa uu yahay HOP#067, kaas oo uu Khamiistii loo Boobay Eedeysanaha Yaasiin Farey, kadib doorasho bugta aheyd ee Galmudug…

Qoraal ay soo saareen Guddiga Xalinta Khilaafaadka, isla-markaana lagu socod siiyey guddiga doorashooyinka ee heer federaal ayaa waxaa lagu sheegay in guddigu ay soo gaartay dacwad ka dhan ah kursigaasi, taas oo ay soo gudbiyeen musharrax lagu magacaabo Axmed Cabdikariin Cali iyo sidoo kale Nabadoon Cali Xasan Cali (Cali Jeesto).

Sidoo kale guddiga ayaa hoosta ka xariiqay in go’aan rasmi ah uu ka gaarayo dacwadda, wuxuuna soo jeediyey in maanta laga bilaabo la hakiyo ku dhowaaqista natiijada.

153210cookie-checkGuddiga Khilaafaadka Oo Hakiyay Kursiga HOP#067