Xog:-Rooble Oo Kulan Ugu Baaqay Midowga Musharixiinta

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Wasiirka 1-aad ee Dowladda Xil gaarsiinta (Rooble) Maanta Kulan ugu baaqay Hogaamiyayaasha Midowga Musharixiinta, kadib markii ay shalay sheegeen ineysan aqbali doonin natiijada Doorasho lagu shubto..

Ilo Wareedyo ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijiyay in Rooble uu ugu baaqay Madaxda Xisbiyada Mucaaradka iney Kulan La yeeshaan si uu ugu qanciyo iney aqbalaan Natiijada Doorashada, wuxuuna ka codsan doonaa inuu joojiyaan Hadalada Xanafta leh ee ay uga soo horjeedaan Doorashada Boobka ku dhisan oo ay ku dhaqaaqeen Madaxda Maamulada Konfur galbeed iyo Galmudug.

Hadalada ka soo yeeray Madaxda Midowga Musharixiinta ayaa abuuray jawi cabsiyadeed, maadama ay bilaabeen abaabulka Ciidamada Mucaaradka Hubeysan, isla markaasna ay dejiyeen qorshe lagu dhisaayo Gole Badbaado Qaran Oo ay doonayaan iney kula wareegaan talada Salka si awoodi ku jirto, hadii aan Cadaalad iyo hufnaan ku jirto loo qaban Doorashada dadban, waxeyna dhowr jeer soo saareen baaqyo ku aadan in la joojiyo Boobka Doorashada, iyadoo Maamulada Gobolada ay iska dhego tireen.

153260cookie-checkXog:-Rooble Oo Kulan Ugu Baaqay Midowga Musharixiinta