Wasiir Koore oo ka Hadlay Dagaalka Duleedka Laascaanood, kuna baaqay in la joojiyo

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in Wasiirka Warfaafinta maamulka Muuse Biixi, Saleebaan Cali Koore oo ka soo jeeda Beelaha Gobolka Sool ayaa sheegay in dagaalka ka soconaya magaalada Laascaanood uu yahay mid ay keeneen Waqtiga iyo Waayuhu…

Isagoo ka hadlaya kulan uu soo qabanqaabiyay oo ka dhacay Hargeysa, ayuu Wasiir Saleebaan Koore sheegay inuu dareemayay in dagaalka Laascaanood uu dhici karo, marka uu qiimeeyay sida xaaladuhu u socdeen, uuna isku dayay in uu ka hortago, “Gobalka Sool waxaa ka socota arrin aan runtii ku talagal aheyn ee waqtiga iyo waayuhu keenay, hadduu qof waayo arag yahay iyadoo xaaladu ay qurux badan tahay ayuu garan karaa ama qiimeyn karaa waxa ay ku dambeynays, waan isku dayay in arrintaas si nabad ah looga wada-hadlo waxa lagu kala duwan yahay iyo waxa la kala tabanayo, may dhicin sawirka ay Laascaanood maanta leedahay in uu imanayo waan ogaa” ayuu yiri Koore.

Saleebaan Koore ayaa xusay in dhinac kastaa (maamulka Somaliland & dadka SSC-KHAATUMO), ay dhibaato laga maarmi karay haddii la wada hadlo kasoo gaartay dagaalka Laascaanood, waxaana uu ku baaqay in la wada-hadlo, “Dhan kasta dhibaato ayaa ku dhacday, dhibaatadaas-se waxay aheyd mid aan ka badbaadi karnay hadaan caqliga isticmaalno inkastoo awooda ilaahay leeyahay, waayaha, waqtiga iyo xaalada uunbaa sida u dhigtay”.

Koore ayaa lagu xasuustaa ka hor dagaalka Laascaanood iyo markii uu bilowday, inuu hanjabaado hawada u marinayay Isimadda dhaqanka SSC iyo Ciidamada degaan ee ka hor yimid maamulka Somaliland.

249770cookie-checkWasiir Koore oo ka Hadlay Dagaalka Duleedka Laascaanood, kuna baaqay in la joojiyo
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com