Jeb-weynayaasha Musharaxiinta Xilka Madaxweynaha Oo Adeeg Dhaqaale Ugu Baxay Dibeda

Somalia news

Tiro Musharaxiin ah oo u taagan Xilka Madaxtinimada Dalka ayaa u kala dhoofay Dalalka ay dilaaliinta u kala yihiin, iyadoo Farmaajo uu u dhoofay Magaalada Dooxa Halka Sheekh Shariif uu u dhoofay magaalada Nairobi si uu ula kulmo Wakiilo ka docda UAE…

Safarka Farmaajo ee Doha fahfaahin kama bixin Saraakiisha Villa Somalia, waxaana uu yahay mid qarsoon ujeedkiisa, iyadoo lagu soo beegay xili soo dhawdahay doorashadda Madaxtinimada dalka, macluumaad ayaa tilmaamaya in Doha la wadaagayso Farmaajo shaxda uu mar labaad kusoo laaban lahaa iyo dhaqaale u diyaarisay inuu codad ku iibsado doorashadda.

Dhanka kale Xog aan helnay ayaa sheegeysa in wakiilada ka socda Imaaraadka ay Sheekh Shariif kala hadli doonaan qorshaha ugu wanaagsan ee looga guuleysan karo kooxda Qatar Maalgeliso, sidoo kale Dowladda Kenya ayaa sidoo kale dowladda Imaaraadka Carabta ku cadaadinaya inay taageero buuxa siiyaan Shariif Sheekh Axmed oo ay u arkaan qofka kaliya ee jabin kara damaca Farmaajo ee ah inuu mar kale soo laabto.

Xasan Sheekh ayaa la sheegay inuu taageero ka heysto Sacuudiga & Masar ayaa la sheegay inuu Ololihiisa maalmihii u dambeeyay uu gaabis ku yimid kadib markii tiradii Xildhibaanada uu hoos uga dhacay, ayna dhici karta inuusan ka qeyb gelin Tartanka.

173490cookie-checkJeb-weynayaasha Musharaxiinta Xilka Madaxweynaha Oo Adeeg Dhaqaale Ugu Baxay Dibeda