Shaqaale Ajaanib Ah Oo Muddo 8 Bilood Ah Ku Xayiran Gudaha Dadka

Somalia news

Warar hordhaca ah ayaa sheegaya in 13-Xubnood oo Shaqaale kalluumaysi ah una dhashay dalka Indonesia ayaa la sheegay inay ku xayiran yihiin Somalia qiyaastii siddeed bilood, Sida lagu xusay Warbixintaan ay soo diyaarisay Hay’adda lagu magacabo Dishing Destishing Fishing Watch…

Hay’adda ma sheegin sababta shaqaaluhu ugu xayiran yihiin Somalia, Shaqaalahaan ayaa horey uga soo shaqeeyay maraakiib kalluumaysi oo kala duwan oo dalka Shiinaha laga lahaa. Wuxuuna qandaraaskoodu ku ekaa Diseembar 2020.

Kadib dhammaadka muddada heshiiska, wakaaladda shaqaalaysiinta ee Indonesia iyo shirkadda kalluumeysiga ee ay ka shaqeynayeen, ma aysan bixin hubin ku saabsan dhammaadka muddada heshiiska.

Dishing Destishing Fishing Watch, waxay sheegtay in 13 -kii shaqaale ee doonida kalluumeysiga la socday ay ku xaniban yihiin jasiirad ku taal Somalia.

Iskuduwaha Ilaalinta Kalluumeysiga Indonesia, Moh Abdi Suhufan ayaa sheegay in ay dadaallo waddo dowladda Indonesia balse ilaa hadda kuma guuleysan inay daad -gureyso shaqaalaha ku xayiran Somalia.

135950cookie-checkShaqaale Ajaanib Ah Oo Muddo 8 Bilood Ah Ku Xayiran Gudaha Dadka