Dad Rayid ah Oo Lagu Laayay Degaanka Balanbale

Somalia news

Wararka hordhaca ah ee naga soo gaaraya Degaanka Balanbale Ee Gobolka Galguduud ayaa sheegaya in Deegaanka Xirsi lugeey oo 10 kiilo mitir ujira lagu laayay ilaa 6 ruux oo shacab ah oo ka soo jeeda Beesha HG…

Inkastoo Dilka kooxda geesatay ay kasoo baxayaan warar kala duwan ayaa waxaa lasoo warinayaa in kooxda Dilka Geesatay ay wateen Tuutaha Ciidamada Qaranka, waxeyna ka soo jeedaan Beesha Madaxweynaha oo dhowaan hub iyo Rasaas u raray Degaanada Cabud waaq iyo Balable.

Magacyada Marxuumiinta:-

-Macallin Nuur Afdhuub Xersi (Macalin Dugsi Quraan).

-Wiil 6-sano jir ah ina Cawil Samantar Farey

-Gaarane Cawil Samantar Farey

-Cabdi Maxamuud Aw Faarax

-Cadaawe Xersi Lugeey

-Cabdi Xersi/Carab Kaahiye Dhoore

86660cookie-checkDad Rayid ah Oo Lagu Laayay Degaanka Balanbale