Digiino Amaan oo Laga Bixiyay Dilalka Qorsheysan Ee Laga Fuliyay Magaalada Mogdishu

Somalia news

Warbixino hordhac ah oo welwel xambaarsan ayaa muujinaaya in todobaadyadii ugu dambeeyay ay Hey’adda NISA caan ku noqtay Beegsiga iyo ugaarsiga iska soo horjeeda ee lagu hayo Saraakiisha iyo Shaqaalaha Hay’adda NISA, tan iyo markii doorashada loo adkaaday Farmaajo..

Wararka ayaa sheegaya in koox si gaar ah loogu xushay fulinta Khalkhal gelinta, Afuubka iyo dilalka qorsheysan, ayaa Amaan darro baahsan ka waday Magaalada, iyadoo howshan u Adeege Fahad Yaasiin u xushay Shaqsiyaad ka tirsan Maamulkii Farmaajo, waxaana dhaqaalaha la sheegay in lagu maalgeliyo kooxdaani laga bixiyo Xarumo iyo guryo gaar loo leeyahay.

Bartilmaameedyada Kooxdani ayaa la sheegay iney tahay sidii loo weerari lahaa Mas’uuliyiinta & Saraakiisha Dowlada, waxaana ugu dambeeyay dilka ay ku fuliyeen Sarkaal ka tirsanaa Hay’adda Nabadsugida, kaasoo lagu magacaabayey Maxamed Cabdullaahi Garaseey (Sheekh Cajaa’ib), iyagoo horey u qaatay Bastooladii iyo Laptop-kii Sarkaalkaan kaasoo sida la rumeysan yahay ay ku keydsanayeen Macluumaad badan.

Qorshahaan waa mid lagu raad tirayo, kiisaska denbiyada ee loo heysto Fahad, oo ay ugu weyn tahay arrinta Ikraan Tahliil, waana qorshe ku soo beegmaya waqti hoggaanka cusub ee NISA, uu billaabay baaritaan qoto dheer oo la xiriira denbiyadii dhacay 5-tii sano ee la soo dhaafay.

206780cookie-checkDigiino Amaan oo Laga Bixiyay Dilalka Qorsheysan Ee Laga Fuliyay Magaalada Mogdishu