Kiiska Gabadha La Dilay Oo Qalalaase Siyaasadeed & Amni Dalka u Horseeday

Somalia news

Wasiirka 1-aad ee Dowladda Federaalka Mr.Maxamed Xuseen Rooble ayaa shaqada ka joojiyay Agaasimihii Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, kadib markii uu diiday amar ka soo baxay Xafiiska, iyadoo la faray Xafiiska X/Ilaalinta inuu baaris ku sameeyo Kiiska…

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa si ku meel gaar ah Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka ugu magacaabay Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) oo hadda ahaa Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Horumarinta Dhismaha Soomaaliyeed.

hase yeeshee waxaa go’aankaasi ka horyimid Mr.Farmaajo oo faray Agaasimaha Hey’adda NISA inuu sii wato shaqadiisa, xiisadaan mid mugdi sii galineysa Baarista Kiiska Gabadhada iyo Arrimaha Doorashada, Dalkana galineysa Qalalaase Siyaasadeed iyo mid amni.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa faray xeer ilaaliyaha guud ee maxkamadda ciidamada qalabka sida in baaris rasmi ah oo dhameystiran ku sameeyo kiiska Ikraan Tahliil, kadibna u gudbiyo maxkamad sharci ah oo awood u leh.

139110cookie-checkKiiska Gabadha La Dilay Oo Qalalaase Siyaasadeed & Amni Dalka u Horseeday