Halista Abaaraha Ee Aan Lagu Baraarugsaneyn Ee Ka Jirta Somalia

Somalia news

Xaalada Abaaraha iyo biyo yaraanta ka jirta degaano badan oo ka tirsan Gobolada Dalka ayaa la sheegay iney aad uga sii dareyso, taasoo horseeday in Dad tiradoodu kor u dhaafeyso 3-milyan Oo Qof ay wajahaayaan raashin iyo biyo La’aan baahsan, Dowladda Federaalka & kuwa Gobolada kuma Baraarugsana Halista…

Qiyaastii 2,3 million Oo Qod oo ku nool 57 ka mid sh 74-ta Degmo ayaa saameysa Dhibaatada abaaraha, biyo la’aanta, Raashin yari iyo daaw la’aan, iyadoo tiro badan oo Ceelal iyo Wadooyinka ah ay gureen, waxaana lagu sababeeyay is-bedelada cimilada ay ugu weyn tahay iyo dagaalada.

Sanadihii ugu dambeeyay masiibooyinka dabiiciga ah ma ahan iska horimaadyada ayaa ahaa sababaha ugu weyn barakaca gudaha Somalia inkastoo ay ku jiraan qorshe xumo Siyaasadeed oo ku saleysan barakicin Dadka Rayidka ah gaar ahaan Dadka laga barakiciyay Gobolada Sool, Sanaag iyo Togdheer, talaabadaan ayaa ka sii dartay xaalada taagan.

Dalka Somalia Waxaa soo food saartay in ka badan 30-Khataro la xiriira Cimilada tan iyo 1991 oo ay ka dhaceen 12-xiliyo abaareed iyo 19-daadad (Fatahaado), heerarka biyood Ee Wabiyada Jubba iyo Shabelle ayaa aad u hooseeya, iyadoo la filaayo iney sii yaraan doono mustaqbalka dhow, iyadoo inta badan Berkadaha iyo ceelasha ay gureen, talaabadaan ayaa horseeday iney Dadka ku tiirsanaadaan Ceelasha Riiga kuwaasoo aad u kala fog inta badan ma wax soo saarkooduna yar yahay.

151630cookie-checkHalista Abaaraha Ee Aan Lagu Baraarugsaneyn Ee Ka Jirta Somalia