Xoogaga Suufiyada Oo Jawaabo Ka Bixiyay Xiisada Galmudug

Somalia news

Madaxa siyaasadda ee Ahlu Sunna oo wareysi siiyey BBC ayaa ka hadlay eedeyntii uu Aadan Abshir Nuure (Laba Afle) u jeediyey hoggaanka sare ee Ahlu Sunna, kadib markii ay fashilmeen wada-hadalladii loo soo wakiishay Oo muddo 12-maalmood ah ka socday degaanka Bohol..

Madaxa Siyaasada Mr.Cabdisalaan Aadan Xuseen ayaa marka hore beeniyey in Ahlu Sunna Waljamaaca ay diideen wada-hadalladii socday, wuxuuna tilmaamay in mar weliba ay diyaar u yihiin in miiska lagu dhammeeyo tabashada ay qabaan iyo xiisadda haatan ka taagan maamulka Galmudug, Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Laba Afle uu ugu goodiyey Ahlu Sunna in la leeynaayo ama ay isaga tagaan degaanka Bohol, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa kale oo uu hoosta ka xariiqay in hadalka kasoo yeeray General Laba Afle oo ka mid ah saraakiisha Xoogga dalka inuu uga sii darayo xaaladda adag ee haatan ka taagan Galmudug, loona baahan yahay in aan looga sii dirin, si uusan u daadan dhiig dambe.

Si kastaba, hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo shalay General Aadan Abshir Nuure (Laba Afle) oo shir jaraa’id qabtay uu shaaca ka qaaday inuu gacanta ka taagay wada-hadalladii uu waday, isaga oo ku eedeeyey Ahlu Sunna inay diiday waa wanatii socotay.

150890cookie-checkXoogaga Suufiyada Oo Jawaabo Ka Bixiyay Xiisada Galmudug