Share the post "Halista Somalia Kaga Soo Wajahan Hubka & Taageerada Talibaan Ay U Fidiyaan Kooxda Shababka"
Tan iyo bilowgii weerarada qorsheysan ee sanadkaan ay Kooxda dagaalamayaasha Taliban ay ku soo bandhigeen sawirada Hubka iyo Saanada Ciidamada ay ka qabsadeen kuwa Dalalka reer Galbeedka maalgelinaayeen muddo 20-sano ah isla markaasna bixinaayeen Mushaarkooda iyo Rasaasta…
Hubkaan oo u badan Diyaarado dagaal, kuwa Qumaatiga u kaca, kuwa Drones-ka, Noocyada kala kuwa Gadiidka Qafilan, Madaafiicda Goobta iyo Malaayin noocyada Qoryaha Ciidamada iyo Rasaas, ayaa la sheegay in welwel laga muujiyay Sida fudud oo ay ku gaarsiin karaan Kooxaha argagixisada Sida kuwa Shababka oo gacan saar la Leh Kooxda Taliban.
Walaaca ugu weyn ayaa ah Sida fudud ay gacanta ugu dhigeen Qalabka habeenkii ay Ciidamadu adeegsadaan (Night vision), Kooxda Ayaa durbadiiba iney suuq u raadisado Hubka iyo Qalabka ay ka qabsadeen Ciidamada Afghanistan oo tiradoodu lagu sheegay 300, 000 Askari, waxaana lagu wadaa iney ku taageeraan Kooxaha argagixisada Sida kuwa Somalia ka howlgala, Africada Galbeed iyo kuwa Bariga dhexe iyo Aasiyada Fog.
Saameynta ka dhalan karta dhoofinta Hubkaan ayaa noqon karta mid sii shida dagaalada ka socda Dalalka Kooxda argagixisada ka howlgalaan, iyadoo todobaadkii tagay mar la wareystay Taliyaha Ciidamada Africom Gen.Townsend oo fadhigiisu yahay Dalka Djibouti ayaa sheegay “ iney welwel xoogan ka qabaan Maamulka Farmaajo iyo Maamulada Gobolada Dalka Somalia dhibaatada amaan ay abuureen Khilaafka dhexdooda oo curyaamiyay Howlgalada lagu baacsanaayo Kooxda Shababka”.