Share the post "Hanjabaadaha Kooxaha Argagixisada & Xiliga Doorashada Djibouti & Somalia"
Iyadoo Dalalka Djibouti 🇩🇯 & Somalia 🇸🇴 ay isku diyaarinayaan iney dalalkooda ka qabtaan Doorsho, ayaa waxaa soo shaac baxaaya firiiimo hanjabaad xambaarsan oo Kooxaha argagixisada Shababka ay ku doonayaan iney ku weeraraan danaha Dalalka USA iyo France ku leeyihiin Somalia iyo Djibouti…
Horjoogaha Kooxda Shababka Axmed Cumar alias Abuu Cubeyda ayaa hadal jeedin uu sameeyay ku Eedeeyay Hogaamiyaha Dowladda Djibouti Mr.Ismaaciil Cumar Gelle inuu dalkiisa ka dhigay Xeryo Mileteri oo laga soo abaabulo duulaan kasta oo dhan ka ah Muslimiinta ku nool Dalalka Geeska Afrika, wuxuuna ugu baaqay Dhalinyarada Djibouti iney “ fuliyaan howlgalo Shahiid si shaqsiyadeed” si looga xoreeyo Ciidamada Mareykanka iyo Franca ee Fariisimada ku leh.
“ Ka Dhiga Beegsiga 1-aad Danaha USA iyo France” ayuu sheegay wuxuuna intaasi raaciyay in Kooxdiisa ay diyaar u tahay “ Magangal amaan “ iyo Tababaro adeegsiga walxaha qarxa, wuxuuna uga digay Dhalinyarada dooneysa iney ka tahriibaan ay la kulmi doonaan ciqaab adag.
Afhayeenka Ciidamada Mareykanka Ee Africom Col.Christopher Karns ayaa sheegay iney la socdaan codadka laga sii daayay Warbaahinta Kooxda argagixisada Shababka Ee ku baaqaya in la weeraro danaha USA & France Ee Dalka Djibouti wuxuuna intaasi raaciyay in “si dhab ah u tixgelinayaan hanjabaadaan”, isagoo sheegay in kooxdaan ay Weli khatar ku yihiin Dalalka Geeska Afrika waana sababta muhiimka ah in la sii adkeeyo Howlgalada dhanka ka ah Kooxaha argagixisada Shababka.