Qadar Oo Jahwareer Ka Qaaday Siyaasada Fashilka Xambaarsan Ee Farmaajo & Fahad

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa tilmaamaya in bilihii la soo dhaafay ay xoogeystay qalalaase, isku dhex yaac & jahawareer xooggan uu soo wajahay kooxda qaabilsan olaha Farmaajo, kadib Safarkii Ra’iisul Wasaare Rooble, iyo xubno ka tirsan Musharixiinta Mucaaradku ku tageen Imaaraadka…

Ku darsoo akhristow, waxaa Xafiiska Farmaajo, la soo gaarsiiyay bartamihii todobaadkaan Madaxtooyada qoraal deyro ah ka timid Safaradda Qatar, taasoo Fahad iyo Farmaajo, loogula taliyay iney wax ka beddelaan sida ay u wadaan ololahooda dooraahada, qeylo dhaanta ka timid Qadar ayaa dulucdeedu xambaarsaneyd in koox ahaan loo difaaco kursiga ugu sarreeya dalka, si uusan uga bixin gacanta kooxda ay maal-galiyeen 2017-kii, ayaa lagu sheegay in xitaa la baddeli karo Musharraxa kooxda, [Farmaajo] haddii aysan jirin fursad uu mar kale bulshada uga gadmi karo.

Qadar ayaa dejisay in hadii Farmaajo + Qorqor & Lafta gareen ( Madaxweyne, Ra’iisul wasaare iyo Gudoomiye Baarlamaan) uu ku fashilmo dib u doorashada, ay bedeli karaan Sheekh Shariif iyo Xasan Cali Kheyre midkood loo sharxo xilka Madaxweynaha Laftagareen, wuxuu kulamo hoose la qaatay Xasan Cali Kheyre isbuucaan, wuxuuna wadaa dadaal uu doonayo inuu dib u nooleeyo cilaaqaadkii Fahad iyo Kheyre, oo aan aragti ahaan aad u kala fogeyn, “Fahad kama didsana Kheyre” ayuu yiri sarkaal ka tirsan NISA.

Qatar, oo saameyn xooggan ku lahayd siyaasadda Somalia shanti sano ee la soo dhaafay, ayaa dareensan in kal-doorasheedkaan ay cadaadis xooggan kala kulmi doonto dalalka Imaaraadka, Sucuudiga iyo Masar, oo xiriir soo jireen ah la leh Dowladda Somalia, cabsida Maamulka Dooxa ayaa muujineysa in aysan jacayl gaar ah u qabin Farmaajo, ee ay doonayaan iney xeyndaabka siyaasada Somalia ku hayaan shaqsi uu Fahad Yaasiin wado, kaasoo xitaa noqon kara shaqsi hadda ka soo horjeeda, hayeeshee, dhaqaalo xooggan lagu xera-galiyo.

166030cookie-checkQadar Oo Jahwareer Ka Qaaday Siyaasada Fashilka Xambaarsan Ee Farmaajo & Fahad