Maamulka Somaliland Oo lagu Eedeeyay Khalkhal Gelinta Diyaaradaha Somalia Isticmaala…

Somalia news

Sidii aan shalay ku xusnay Warbixintii la xiriirta in Maamulka Somaliland oo gacan ka helaaya Maamulka Addis abeba ay dhibaato Amaan oo khalkhal gelinaaya Diyaaradaha Rakaabka ee isticmaala Hawada Somalia, iyadoo si toos ah ula xiriiraya Duuliyayaasha kuna wargelinayaa iney Amaradooda qaataan…

Dhacdadaan kadib, Hey’adda Duulista Rayidka ee Somalia (SCAA) ayaa bedeshay habka hagista Isgaarsiinta ee Shirkadaha diyaaradaha ee isticmaala Hawada Dalkeena, kadib markii ay soo wariyeen “VHF faragelinta agagaarka Hargeysa” sida ilo xog ogaal ah u sheegeen, Duulimaadyada aagga dhexdiisa ayaa lagu wargeliyay inaysan filaneynin isbeddel heersare ah ilaa ay la xiriiraan Muqdisho iyagoo adeegsanaya datalink.

Warar ayaa sheegaya in Diyaarada Qatar Airways oo ka soo duushay Djibouti kuna socotay Muqdisho ay gudbisay cabasho amni oo rasmi ah kadib markii ay heshay awaamiir is khilaafsan intii ay ku jirtay duullimaadkeeda Hawada Somalia, Dhacdadan ayaa ku soo beegantay iyadoo uu sii xoogaysanayo khilaafka u dhexeeya Maamulka Hargeysa iyo Somalia ee la xiriirta muranka madax-banaanida maamulka hawada, waxaana Ku gacan siinaya Maamulka Hawada Addis abeba.

Dowlada Federaalka ayaa ka baaraan dageysa qorshe cusub oo Diyaaradaha ka dega Garoonka Hargeysa iney marka hore soo maraan Garoonka diyaaradaha Magaalada Mogadishu si loo baaro Rakaabka si loofa hortago in si sharci darro ah loo soo galo Somalia, gaar ahaan Lobbyists, u dhashay Dalalka USA iyo UK ee Xildhibaanada ah, iyo shaqsiyaadka kale ee horey uga faa’iideystey jileeca dhanka Dowlada Federaalka.

Dhanka kale, Dowlada Federaalka ataa tashi kaleh sida laga yeelaayo Xafiisyada 3-Qunduliyadood ee Dalalka UK, Ethiopia iyo Turkiga ku leh Magaalada Hargeysa kadib markii Xafiiska Ethiopia uu jebiyay Nidaamka Caalamiga ah ee u degsan Qunsuliyadaha, ku darsoo D Federaalka ayaa dhawaan si rasmi ah u aqoonsan doonto Maamulka Awdal State oo ah maamul cusub, kadibna muddo kooban xiri doonto xuduudka Tuulada Wajaale oo ah dhulka kaliya ee isku xira Maamulka gooni isu taaga Hargeysa iyo Ethiopia.

308310cookie-checkMaamulka Somaliland Oo lagu Eedeeyay Khalkhal Gelinta Diyaaradaha Somalia Isticmaala…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com