Maamulka Puntland Oo Ruqsadii Shaqo kala Laabatay Hey’ad NGO Ah…

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ee Mamulka Puntland ayaa sheegaya in qoraal ka soo baxay Wasaaradda Qorshaynta Puntland ayaa ruqsadii Shaqada kala laabatay Hay’adda Sadar Development And Resilience Institute oo degaanadaasi ka howlgaleysay..

Wararka ayaa sheegay in Wasaarada ay Hay’addaasi ku eedaysay iney ku xad gudubtay xeerka ururada Samafalka aan dowliga ahayn balse faahfaahin intaa dhaafsiisan lagama bixin, Sidoo kale Wasaaradda Qorshaynta Puntland ayaa NGO-yada  iyo Hay’adaha ka howla gala gudaha Puntland uga Digtay in ay baal maraan xeerka ururada samafalka aan dowliga ahayn.

252220cookie-checkMaamulka Puntland Oo Ruqsadii Shaqo kala Laabatay Hey’ad NGO Ah…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com