Hantidhowraha Dowladda Oo Eedeyn culus u jeediyay Maamulka Dani ee Garoowe..

Somalia news

Hanti dhowraha guud ee Qaranka, Mr.Axmed Ciise Guutaale oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, wuxuuna kaga hadlay arrimo xasaasi ah oo qaarkood taabanaya Nidaamka Maamul goboleedka Puntland, kaasoo Dhul Hanti Qaran ah si qanuunka ka baxsan uga iibiyay Ganacsato degaanka ka soo jeeda…

Hantidhowraha ayaa kaga hadlay Shirkiisa si gaar ah hagaajinta Maamulka guud ee Dowladda, Hubinta Waafaqsanaanta Shuruucda Dalka ee dhammaan heshiisyada u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo shirkadaha shisheeye, fulinta talooyinka hantidhowrista ee kusoo baxay warbixinta hantidhowrka ee sanad maaliyadeedka dhammaaday ee 2022-kii.

https://m.facebook.com/story.php?story_fbid=pfbid0CYfYjgzhTzYt5yjsjrU1A5Xc5M1s8WT6m98KudPNn86zVVhRfWLpM2XMiFxijPmLl&id=100064729744180

Wuxuuna shaaca ka qaaday in Maamulka Puntland ay iibiyeen laba xero oo ay Ciidamada Xoogga Dalka ku lahaayeen gobolka Mudug, isla-markaana wuxuu tilmaamay in lagu iibiyay dhaqaale dhan 20-Millions US$ oo lagu daray dhismaha dekeda Garacad.

“Dekedda Garacad asalka maal-gelinteeda waxaa qayb ka ah dakhli kasoo baxay xeryo kamid ah kuwii ciidanka Xoogga dalka ee gobolka Mudug, sida xeryah kabidda iyo siinaay oo dowlad goboleedka Soomaaliyeed Puntland ku iibisay lacag ku dhow 20 Milyan, kadibna ku dartay maal-gelinta mashruuca dhismaha dekedda Garacad” ayuu yiri.

273530cookie-checkHantidhowraha Dowladda Oo Eedeyn culus u jeediyay Maamulka Dani ee Garoowe..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com