64-jir Soomaali ah oo lagu Eedeeyay Dilka Soomaali kale..

World

Wararka naga soo gaaraya magaalada Toronto ee Dalka Canada ayaa sheegaya in Boliiska Magaalada ay gacanta ku dhigeen Eedeysane lagu tuhmaayo Dilka Marxuum Maxamed Saciid Maxamed oo 55-sano jir ahaan jiray ayaa lagu dilay Magaalada Toronto…

Wararka ayaa sheegay in Falkaani uu dhacay Fiidninadii Isniintii tagtay, iyadoo Boliiska Magaalada ay sheegeen in lagu soo wargeliyay Fal Rasaas la xiriiray oo ka dhacay guri ku yaalla xaafadda Etobicoke oo ah xaafad ay ku badan tahay Soomaalida Toronto, waxaana lagu arkay Nin Dhaawac ah oo jirkiisu rasaas u yaaliin kaasoo isla goobta ku geeriyooday.

Ilo wareedyo ayaa sheegay in Marxuumka uu dhawaan yimid Magaalada Toronto kana yimid degaan kabaxsan Dalka Canada, Saraakiisha Baarayaasha ayaa sheegay in Falkaan Dilka ah loo xiray Cabdicasiis Cabdi oo 64-sano jir ah, iyadoo lagu tuhmaayo inuu Faljaan geystay laguna eedeeyay Dalla Derejada 1-aad ah, Eedeysanaha ayaa degan magaalada Toronto, waxaana la horgeeyay Talaadadii Maxkamad so loo xalaaleeyo xarigiisa muddana Baariseedna Maxkamadda u oggolaato, Dilkaan ayaa noqonaaya kii 25-aad er dhaca Sabadkaan bilaawgiisa.

262200cookie-check64-jir Soomaali ah oo lagu Eedeeyay Dilka Soomaali kale..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com